Allwadani Dec 18.2007

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Soomaaliya Ahmedou Ould-Abdallah ayaa waddanka Sacuudiga ku boorriyay inuu door weyn ka qaato sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa Dalka Soomaaliya ee Dagaalladu baabi'iyeen.

 

Ahmedou Ould-Abdallah waxaa uu Sacuudiga u soo jeediyay inuu meel isugu keeno kooxaha isaga soo horjeeda dalka Soomaaliya si ay uga tashadaan soomaalidu aayaha wadankooda islamrkaasna ay u istaagto dhibaatada dagaal ee sii siyaadaysa maalinba maalinta kadanbeeysa.

Warbixintan oo ay qortay wakaaladda wararka ee Maraykanka AP, ayaa waxa ay soo hadal qaaday wada hadal cusub oo uu rabo in ergaygaasi uu bilaabo.

Ergayga ayaa sheegay in uu doonayo in la abuuro hindise cusub oo lagu dardargelinayo hanaanka nabadda, isagoo la hadlayay Golaha Amaanka ee QM ayaa waxa uu sheegay inuu hayo labo Wado oo Soomaaliya lagu gaarsiinayo nabadda, iyadoo aan dib u dhac ku imaan.

Ahmedou Ould-Abdallah waxa uu u sheegay Golaha Amaanka ee QM inay tahay in Sacuudiga oo ah waddan ay ku yaalaan labada xaruumood ee ugu barakeysan Muslimka, isla markaana deris la ah waddan haya qaxooti badan oo Soomaali ah in lagu casuumo inuu door hogaamin ah ka qaato arrimahan, oo ay ku taageerayaan mid ama labo ka mid ah dalalka Nato.

Dhanka siyaasada Ahmedou Ould-Abdallah waxaa uu ku sheegayaa in ay dawladda ku meelgaar ka ah ee soomaaliya ay xoojiso islamarkaasna ay tahay in ay laxiriirto mucaaradka, waxaana la door bidi lahaa in ay abuuro dawlad qaran oo lo dhan yahay, xiriirka ay dawladda lasamaynayso mucaaradka waaa in uu ahaadaa ayuu yiri mid heer sare ah lana door bidayo in uu ka dhaco meel u dhaw soomaaliya iyadoo ayna soo dhex galin cid dhexdhexaadin ah.

Ahmedou Ould-Abdallah ayaa waxaa uu sheegay in uu diyaarinayo liiska dadka ay suura galka tahay in ay heshiiskaas ka qayb galaan iyo halka lagu qabanayo

 

Wariyiha allwadani diiriye ahmed gaas kampala ganda

Xaafiiska Warqabadka Allwadi Soomaaliya